SO | EN

SO | EN

HIIRAAN: Taliyihii Guutada 26-aad Cabdiraxmaan Xujaale oo lagu toogtay qoriga Dhashiike

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Cabdiraxmaan Xujaale, taliyihii guutada 26-aad ee ka howlgasha gobolka Hiiraan, ayaa la sheegay in ay dileen askar katirsan ciidankiisa.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in lagu toogtay qori nooca dhashiikaha ah, iyadoo dhammaan askarta eedeysanayaasha ah ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada.

Xujaale wuxuu noqday sarkaalkii labaad ee heer sare ah ee lagu dilo isagoo gudanaya waajibaadkiisa. Bishii Abriil, Taliye Nuux Farey ayaa lagu dilay isagoo la hadlayay ciidamo ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose.

Baaritaankii lagu waday dhacdadaas ilaa iyo hadda natiijo lagama gaarin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News