SO | EN

SO | EN

Qarax xerada Damaanyo: 15 qof oo geeriyootay

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay, in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii qof isa soo miidaamiyay oo ka tirsan Al-Shabaab uu isku qarxiyay goob cusub oo ciidanka lagu qorayay, halkaasoo dhalinyaro badan ay saf ugu jireen isdiiwaangelin subaxnimadii Axadda magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa lala beegsaday dhalinyarada doonaysay in lagu qoro ciidanka oo saf ku jiray xerada Damanyo ee degmada Deyniile, sida uu u sheegay Kaab TV ilo booliis ah oo deegaanka ah.

Dadka dhaawacmay qaarkood ayaa loola cararay isbitaalka, iyadoo jahwareer iyo argagax uu hareeyay goobtii weerarku ka dhacay.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News