Danjiraha cusub ee Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Charles Nicholas King ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho isagoo si rasmi ah u bilaabaya xilkiisa cusub ee Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya.
Sanjiraha cusub ayaa beddelay Michael Nithavrianakis oo xilkan safiirka haayay tan iyo bishii Abriil 2023.
Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa sheegtay in Safiir King uu hoggaamin doono howlaha safaaradda, isagoo diiradda saaraya xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada maamulka, horumarka, amniga, iyo gargaarka bani’aadannimo.