MUQDISHO (KAAB TV) -Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Guddiga Doorashada ay si xoog ah ugu qasbayaan ardayda Jaamacadaha inay isdiiwaangeliyaan ayna qaataan kaarka codbixinta Doorashada Golaha Degaanka.
Xildhibaanka waxa uu tilmaamay inuu si kulul u canbaaraynayo waxa uu ku sheegay falka gurracan ee uu guddiga halka dhinac ah ee doorashooyinka ku cadaadinayo Jaamacadaha Caasimada in ay qasab ku diiwaan geliyaan ardayda, macalimiinta iyo shaqaalaha Jaamacadda
“Guddigu wuxuu ugu hanjabay jaamacaddii ka biya diidda go’aankooda in ay tillaab ka qaadi doonaan iyagoo adeegsanaya ciidanka ammaankana, Is diiwan gelinta, codaynta iyo ka qaybqaadashada doorashooyinka waa xaq dastuuri ah oo ikhtiyaari ah ee ma aha jajuub iyo qasab” ayuu Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu bartiisa bulshada soo dhigay.
Waxa uu Xildhibaanka sheegay in aysan jirin wax ay shacabka Soomaaliyeed maanta ka jeclaan lahaayeen in ay xaqooda dastuuriga ah adeegsadaan oo ay doortaan dadkii meteli lahaa, waxaase lagu hodi karin doorasho hal dhinac wato oo qasab iyo jajuub lagu meelmarinayo, taasoo natiijadeedu tahay qalalaase iyo xasilooni-darro siyaasadeed.
Waxa uu ugu dambeyn ugu baaqay maamulka jaamacadaha in ay ku adkaystaan mowqifkooda, shacabkana la wadaagaan falfal xumida Guddiga, iyagoo adeegsanaya isku soo baxyo nabadeed iyo warbaahinta baraha bulshada ee fududaynaysa is abaabulka dijitaalka ah (Digital Activism).