ANKARA (KAAB TV) –Turkiga ayaa xoojiyay taageerada uu siiyo Soomaaliya, isagoo keenay saddex diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah ee T-129 Atak, sida ay saraakiil xog ogaal ah u sheegeen Idaacadda Shabelle, kaddib markii uu Sabtidii khadka taleefoonka ku wada xiriiray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Marka laga soo tago diyaaradaha qumaatiga u kaca, Turkiga ayaa sidoo kale labo diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah ku wareejiyay ciidamada badda Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah heshiis dhanka difaaca ah oo ay labada dal kala saxiixdeen February 2024. Heshiiska waxaa ka mid ah taageerada Turkiga ee dhanka tababarka iyo dhismaha ciidamo tayo leh oo badda Soomaaliyeed.
Sanadkii la soo dhaafay, Turkigu wuxuu tababaray dhowr duuliye oo Soomaali ah si ay ugu shaqeeyaan diyaaradaha helicopter-ka ee Atak. Diyaaradan cusub ayaa la keenay magaalada Muqdisho kadib markii duuliyayaasha ay dhameysteen tababarkoodii ugu dambeeyay.
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in taageerada Turkiga ee Soomaaliya dagaalka ay kula jirto kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ay sii socon doonto lana ballaarin doono, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Turkiga.
Gargaarkan Milateri ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya ka hor doorashada la qorsheeyay ee 2026-ka, taasoo ay dowladdu doonayso inay ku qabato doorasho toos ah oo caalami ah, taasoo ay kasoo horjeesteen kooxaha mucaaradka qaarkood.
Turkiga ayaa weli ah saaxiibka muhiimka ah ee Soomaaliya ee dhanka tababarada iyo maalgashiga, iyadoo hay’adaha Turkiga ay maamulaan ay maamulaan kaabayaasha muhiimka ah sida garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho, oo ah ilaha dhaqaalaha ugu badan ee dowladda Soomaaliya.