SO | EN

SO | EN

Rag ku dhaawacmay qarax ay ku diyaarinayeen guri ku yaala degmada Dayniile oo gacanta lagu dhigay

|

Muqdisho (KAAB TV) -Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay rag looga shakisan yahay Al-Sha aab, kuwaas oo la sheegay in ay ku dhaawacmeen qarax ay ku diyaarinayeen xaafad ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo jugtiisu laga maqlay meelo badan ayaa ka dhacay guri ku yaalla xaafadda Barwaaqo, kadib markii ay qarxeen walxaha qraxa oo lagu diyaarinayay guriga.

 

Dadka deegaanka aya sheegay in guriga laga maqlay labo jug oo is xig-xigay, ka dibna ay ciidamada ammaanka si degdeg ah u gaareen goobta. Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay xubnahaan oo la sheegay in ay ka tirsanihiin Al-Shabaab, kuwaas oo ku dhaawacmay qaraxa, iyo sidoo kale bajaaj la sheegay in lagu rarayay walxaha qarxa.

Ilo-wareedyo ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in guriga qaraxu ka dhacay uu muddooyinkii dambe ahaa mid laga shakisanaa, hase yeeshee aan si rasmi ah loo baarin ilaa uu qaraxu dhacay.

Ilaa iyo hadda ma jiro war oo rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir oo ku saabsan qaraxa iyo howlgalka lagu qabtay xubnaha dhaawaca ah.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay la tilmaamayay in amnigeedu soo hagaagayo, inkasta oo ay jiraan weerarro iyo falal amni darro oo ay geystaan ururka Al-Shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News