Hiiraan (KAAB TV) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa fuliyay howl-gal qorshaysan, kaasi oo ka dhacay deegaanka Ceel Dheere ee ku yaalla xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Howl-galka ayaa bartilmaameedsaday goobo lagu tuhunsanaa inay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, howl-galka wuxuu ka koobnaa dagaal toos ah iyo duqeymo cirka ah oo si gaar ah loogu beegsaday xarumo iyo guryo gabaad u ahaa Al-Shabaab.Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha xukuumaddu ku dooneyso in ay ku wiiqdo awoodda kooxdaasi ee ku sugan qeybo kamid ah bartamaha dalka.