Baydhabo(KAAB TV) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka xoogga iyo AS, kaasi oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Xubno ka tirsan AS ay weerar ku soo qaadeen Saldhig ay ciidanka xoogga ku leeyihiin deegaanka Barujeed oo dhowr iyo toban KM u jira magaalada Baydhabo.
Saraakiisha ciidanka xoogga ayaa sheegay in ay ka hortageen weerarka ayna dileen xubno ka tirsana AS.
Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay in ay weli gacanta ku hayaan deegaanka Barujeed oo ay soo weerareen AS.
Sidaan oo kale, dhawaan AS ayaa weerar ku soo qaaday gudaha deegaanka Barujeed oo ah mid istaraatiiji ah lagana sugo Amniga guud ee magaalaa Baydhabo oo ah caasimadda KMG ah ee Dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

