Sawirro: Marxuum Cabduqaadir Lugadheere oo lagu aasay Kismaayo

|

KISMAAYO (Kaab TV) – Waxaa maanta Qubuuraha Baar Caleen ee duleedka Kismaayo lagu aasay Madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee Dowladda Jubbaland, Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, oo shalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Aaska marxuumka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Wasiirada Dowladda Jubbaland, ehelka marxuumka, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Meydka ayaa laga soo qaaday garoonka diyaaradaha Kismaayo oo ay keentay diyaarad ka timid Nairobi.
Meydka ayaa laga soo qaaday garoonka diyaaradaha Kismaayo oo ay keentay diyaarad ka timid Nairobi.

Cabduqaadir Lugadheere ayaa ahaa siyaasi muddo ku soo jiray siyasadda Jubaland, isagoo muddadii ay jirtay Jubaland ka ahaa madaxweyne ku xigeenka labaad.

Marxuumka ayaa xaalad caafimaad u aaday dalka Kenya, waxaana uu halkaasi ku galay isbitaal, sida ay sheegtay madaxtooyada Jubaland.

Saaka ayaa meydka diyaarad gaar ah looga soo qaaday magaalada Nairobi, waxaana ay keentay magaalada Kismaayo oo lagu aasay.

Guud ahaan maamulka Jubaland ayaa tacsi u diray qoyska iyo ehelka marxuum Cabduqaadir Xaaji Maxamuud.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News