Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carabka ku dhuftay in qaran-dhisku uu yahay geeddi-socod u baahan xoojinta hay’adaha dowliga ah, kor u qaadista wacyiga bulshada, iyo dejinta qorshayaal fog oo ku saleysan cilmi iyo xog sugan.
“Dalku wuxuu hadda ku socda dariiqii horumarka iyadoo laga duulayo cilmi-baarisyo iyo qorshayaal cad,” ayuu yiri, isagoo xusay in qorshayaasha sida Qorshaha Isbeddelka Qaranka, Hiigsiga 2060, iyo NTP-2025-2029, ay saldhig u yihiin horumar waara.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Ra’iisul wasaaraha in dowladdu ay diyaar u tahay hogaaminta horumar waara oo lagu dhisayo istaraatiijiyad cad, iyadoo si gaar ah loo tixgelinayo khayraadka dabiiciga ah iyo awoodda shacabka, gaar ahaan dhallinyarada.

