Muqdisho (KAAB TV) –Guddiga Fulinta Hay’adda lacagta adduunka ee IMF oo dhameystiray dib-u-eegistii saddexaad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo saaray dhowr qoddob ay ku baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Markii ay arkeen guddiga xaaladda dalka waxaa ay fasaxeen ku dhowaad 10 Milyan oo Dollar, si loo kabo miisaaniyadda dalka.
Guddiga IMF ayaa boggaadiyay horumarrada Soomaaliya ay ka sameysay dhinaca soo arruurinta canshuuraha, casreynta nidaamka iyo sharciga cusub ee Canshuurta Dakhliga.
Sidoo kale, waxaa ay soo jeediyaan in dowladda dadajiso dadaallada ay ku soo daabaceyso lacagta Shilin Soomaaliga oo xilligaa baahi weyn u qabaan bulshada Soomaaliyeed.
Warbixinta Guddiga IMF waxaa sidoo kale looga hadlay dadaallada soo saarista Shidaalka iyo Batroolka Soomaaliya, iyada oo lagu baaqay in la helo sharciyo adag oo joojin kara musuqmaasuqa.
Ugu danbayn hayadda IMF ayaa sheegtay in Koboca dhaqaalaha Soomaaliya ee la filaayay sannadka 2025 uu hoos u dhacay marka la barbar dhigo sannadka 2024.

