BELEDWEYNE (KAAB TV) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka tagaan khilaaf ka dhashay xilkaqaadis iyo magacaabis uu sameeyay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Hase yeeshee waxaa asne warqad uu soo saaray ku beeniyay warqadaas gudoomiyaha degmada baladweyne.
Maamulka Degmada Beledweyne kadib markii uu arkay warqad lagu faafiyey baraha bulshada oo sheegeysa in xilka laga qaaday Gudoomiyaha Xaafada Buundaweyn (Octoobar), waxa uu si cad u beenininayaa warqadaasi.
Gudoomiyaha Degmada Beledweyne Cumar Cismaan Calasow waxa uu cadeynayaa in warqadaas tahay mid been abuur ah isla markaana aanay wax sal iyo raad sharci ah lahayn.
Sida waaafaqsan nidaamka maamulka ee heer degmo ee Dowlad Goboledka Hirsahbelle magacaabista iyo xil ka qaadista Guddoonka Xaafadaha waxay si gaar ah u tahay awood u gaar ah Gudoomiyaha Degmada.
Ugu dambeyn maamulka Degmada waxa uu bulshada iyo dhammaan Hay’adaha ka howl gala Degmada Beledweyne ku wargelinyaa in Gudoomiyaha Xaafada buundaweyn tahay marwo 𝐒𝐚𝐚𝐝𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐢𝐧 isla markaana ay lashaqeeyaan.


