SO | EN

SO | EN

Madxweyne Kuxigeenka Puntland oo kulan laqaatay bulshada degmada Boocame

|

Boocame (KAAB TV) – Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland maamulka Ilyas Cisman Lugatoor oo uu weheliyo Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullaahi Ciise ayaa maanta kulan isxogwareysi ah la qaatay Cuqaasha, Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Boocaame.

Sidoo kale, ujeedka kulankan ayaa sidii wadashaqeyn dhow ula yeelan lahaayeen bulshada degmada Boocame, Xukummada Puntland, iyo ka warqabka bulshada degmada Boocame.

Dhanka kale, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa balan qaaday wax ka qabashada baahiyaha deegaanka ee waxgaradku soo gudbiyeen oo uu xilsaaray Wakiil gaar ah oo arrimahaas ka shaqeeya iyada oo mudnaanta la siinayo sida ay ukala muhiimsan yihiin, isaga oo la wadaagay bulshada deeganka Mashaariicda diyaarka ka ah oo ay kamid yihiin.

1-Bilaabida Xarumaha Caafimaadka ee Tuulooyinka Buurawadal iyo Harwanaag.

2- Dhismaha Iskuulka Buurawadal.

3-Taabagelinta Isbitaalka Degmada Boocame iyada oo loo diyaariyay qalab casri ah iyo Shaqaale Xirfadoodu sarayso.

4-Macaanaynta Biyaha Degmada Boocame oo hadda diyaar ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News