SO | EN

SO | EN

Sweden oo xukun xabsi daa’in ku riday nin dilay duuliye udhashay dalka Urdun

|

Sweden (KAAB TV) – Maxkamad ku taalla dalka Sweden ayaa nin Swedish ah ku xukuntay xabsi daa’in, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii duuliye u dhashay dalka Urdun oo ay kooxda ISIL (ISIS) nolosha ku gubtay gudaha dalka Suuriya sannadkii 2015-kii.

24 December 2014, ayaa diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Cirka ee Boqortooyada Jordan ayaa lagu soo riday Suuriya.

Sidoo kale, duuliyaha ayaa isla maalintaas waxaa gacanta ku dhigay dagaalyahano ka tirsan kooxda hubeysan ee ISIL oo xiligaasi gacanta ku haysay dhul baaxad leh oo ka tirsan dalalka Siiriya iyo Ciraaq. Waxana nolosha lagu gubay bishii Feberaayo 2015, markaas oo la shaaciyey muuqaal naxdin leh, sida ay sheegtay xeer ilaalinta.

Dhanka kale, Garsoore Anna Liljenberg Gullesjo ayaa war ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay in baaritaanku uu muujiyay eedaysanaha, oo lagu sheegay dukumeentiyada maxkamadda in lagu magacaabo Osama Krayem uu ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacayay, isagoo lebisan oo hubaysan, uuna oggolaaday in isaga filim laga duubo.

In kasta oo caddaymaha muuqaalku muujinayaan in nin kale uu dhab ahaantii shiday dabkii dilay Muath al-Kassasbeh, garsooraha maxkamadda degmada Stockholm ayaa sheegay in eedaysanuhu uu ka qayb qaatay dilka dhibbanaha oo ay tahay in loo tixgeliyo dembiile.

Krayem waxa uu horey loogu xukumay xabsi dheer madaama uu door ku lahaa weeraradii Paris iyo Brussels ee 2015 iyo 2016, Waxaa loo soo gudbiyay Sweden isagoo laga keenay Faransiiska si loogu maxkamadeeyo Stockholm.

Sikastaba, 32-jirkan oo diiday in uu si ula kac dil u geystay, ayaa lagu xukumay dambiyo dagaal oo halis ah iyo fal argagixisnimo Ma jirin wax hadal ah oo ka soo baxay qareenkiisa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News