SO | EN

SO | EN

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo abaabul ciidan kawada bannaanka Beledxaawo

|

Beledxaawo (KAAB TV) – Xogo hoose oo aan heleyno ayaa tilmaamaya in ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta Jubbaland oo maalmo kahor laga saaray degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ay mar kale iska soo abaabulayaan duleedka magaalada Beledxaawo, gaar ahaan dhinaca Kenya.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan ay ku suganyihiin bannaanka degmada Beledxaawo, halkaas oo ay ka wadaan is uruursi ciidan iyo abaabul dagaal oo cusub.

Dhanka kale, waxaa lasoo warinayaa in ciidamada Jubbaland ay heleen gurmad iyo sidoo kale taakulo ciidan ayna ka helayaan ciidamada Kenya, taas oo keentay inay in markale is soo uruursadaan.

Ciidankan ayaa hadda qorshohoodu yahay in markale ay soo weeraraan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, si markale ay ula wreegaan gacan kuheynta degmada, oo markii horaba ay iyaga maamulayeen gobolkaasi Gedo.

Sidoo kale, waxaa xusid mudan in weli Xero UK ay gacanta ku hayaan ciidanka dowladda Soomaaliya, iyadoona halkaasi ay sitoos ah uga dagayaan diyaaradaha dagaalka dowladda, oo shalay halkaasi kasoo qaaday dhaawacyo wax looga qaban waayay isbitaalka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Si kastaba, maamulka Jubbaland ayaa horey usheegtay in ay ku dagaalami doonto gacan ku heynta degmada Beledxaawo, iyadoo markii horeba dowladda ka qabsatay xarumihii danta guud ee ku yaallay magaalada, balse dowladda oo ciidamo gaysay magaalada ayaa ku guuleysatay lawareegida degmada Beledxaawo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News