Muqdisho (KAAB TV) -Dowladda Mareykanka iyo taliska AUSSOM ayaa wada-hadallo ku saabsan xaaladda ammaan ee Soomaaliya, gaar ahaan diiradda lagu saaray colaadda AS iyo dardargelinta.
Kulan gaar ah oo ay wada qaateen Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo wakiilka cusub ee AUSSOM, ayaa la iskula qaatay sidii la isaga kaashan lahaa howlgallada socda iyo xaqiijinta amniga Soomaaliya.
Wakiilka cusub ee AUSSOM ayaa sheegay inay sii xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan AS, iyagoo kaashanaya ciidamada dowladda Federaalka.
Intaa waxaa dheer, Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay qorshayaal lagu taageerayo duqeymaha cirka iyo kor u qaadida awoodda milatari si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah AS.
Kulankan dhexmaray wakiilka AUSSOM iyo safiirka Mareykanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay dowladdu sii waddo ololaha adag ee dagaal ee ka dhanka ah AS.

