Xildhibaan Yaasiin Fareey oo ka hadlay howlgallada ay dowladdu ku hayso suuqyada Muqdisho

|

Muqdisho (KAAB TV) -Xildhibaan Yaasiin Fareey oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa si kulul ugu dhaliilay Dowladda Federalka Somaliya falalkii ugu dambeeyay ee ay ku bartilmaameedsaneysay labada Suuq ee Magaalada Muqdisho, ee kala ah Siinaay iyo Suuq Bacaad, kuwaasi oo uu sheegay inay dhibaato u geysteen bulshada uu metelo.

Xildhibaan Fareey ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook waxa uu ku cambaareeyay wax uu ku tilmaamay howlgal qorsheysan oo lagu burburiyay suuqa Siinaay ee degmada Warta Nabadda, waxa uuna iswaydiiyay xaaladihii ku xeernaa dabkii dhawaan baabi’iyay Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid.

“Dadka aan matalo waxay lumiyeen labadoodii noloshooda – mid waa la gubay, midna waa la dumiyay,” Fareey ayaa qoray. Wuxuu shaki ka muujiyay in dabkii Suuq Bacaad uu ahaa fal dambiyeed la qorsheeyay, wuxuuna sheegay in burburinta suuqa Siinaay ay ka dambeeyaan shaqsiyaad si weyn loo garanayo.

Xildhibaan Fareey ayaa dowladda ku eedeeyay in awood dowladeed oo xad dhaaf ah ay u adeegsato muwaadiniinta jilicsan, ayna ku xad gudubto xuquuqda aadanaha iyo shuruucda dalka. “Waxaan si buuxda u garab taaganahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Siinaay iyo Suuq Bacaad, ee lagu hayo dhibaatada dowladeed,” ayuu yiri.
Wuxuu ka digay in dowladdu ay si buuxda isaga xil saarto dhibaatooyinka bulsho iyo dhaqaale ee ka dhalanaya falalka ay ka waddo labada suuq. “Ma aqbali doono in la burburiyo Suuq Bacaad iyo Siinaay, falkan oo kale marnaba looma dulqaadan doono inta aan noolnahay” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda in ay u midoobaan sidii ay beeshooda uga difaaci lahaayeen waxa uu ku tilmaamay siyaasad xumo. “Tani waa waqti xasaasi ah, waxaan ku boorrinayaa qof walba inuu isu keeno midnimo iyo xoog si looga hortago falalkan dulmiga ah,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Gelinkii hore ee maanta, ciidamada ammaanka – oo ay ku jiraan booliiska, sirdoonka, iyo cutubyo ka tirsan ciidamada – ayaa la geeyay si ay u xiraan aagga suuqa Siinaay, halkaas oo ay ka sameeyeen howlgal ballaaran oo burburin ah.

Dowlada ayaan wali si rasmi ah uga hadlin cabashada ka soo yeertay Xildhibaan Fareey iyo qaabka howlgalada ka socda suuqa Siinaay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News