Mahadaay (Kaa TV) –Xaalad baqdin ah ayaa laga soo warinayaa degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe kadib markii lagu arkay dagaal yahano katirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu arkay deegaano hoos yimaada degmadaasi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab duleedka degmadaasi gaar ahaan deegaanada dhaca wabiga Shabelle.
Imaanshiyaha kooxda Al-Shabaab ayaa lasheegayaa in ay jawaab u tahy kadib markii ganacsatada degmada Mahadaay ey iska diideen dhaqaalihii ey siin jireen Al-Shabaab.
Marka laga yimaado dagaalka ay dowladda kula jirto Al-Shabaab, dowladda ayaa sidoo kale kala dagaalameyso dhanka dhaqaalaha iyo fekerka.
Warbaahinta ayaa warisay in dadka reer Mahadaay ay soo wajahday xaalad baqdin ay ka qabaan Al-Shabaab in ay soo weeraraan degmada oo ay hada ku sugan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa ATMIS.
Sidoo kale dib usoo laabashada Al-Shabaab ayaa imaanaysa xili ay istaageen howlgaladii ciidanka xoogga iyo kuwa dadka deegaanka oo ay kaga sifeen lahaayeen Al-Shabaab howdka degmada Mahadaay.