Shabeellaha Hoose (KAAB TV) – Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), ayaa lagu soo waramayaa inay xalay hawlgal qorsheysan oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkaan ayaa si gaar ah loola beegsaday guri la sheegay in ay ku sugnaayeen Horjoogayaal muhiim ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo la rumeysan yahay in ay isku diyaarinayeen falal Argagixiso sida ay wararku sheegayaan.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada NISA ay ku guulaysteen inay weerar ku qaadaan goobtaasi, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare lixaad leh oo soo gaaray Hogaamiyihii Al-Shabaab ee xiligaas ku sugnaa. Howlgalka ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu carqaladeynayo howlgallada kooxda iyo ka hortagga weeraro kale.
War kooban oo ka soo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu xaqiijiyay in lagu guuleystay howlgalkaasi balse ma shaacin magacyada iyo tirada saxda ah ee lagu dilay horjooggayaasha Al-Shabaab. Faah faahin dheeraad ah ayaa la filayaa in taliska NISA ay ka soo saaraan,iyaga oo qiimeyn ku sameynaya natiijada howlgalka.
Bilihii la soo dhaafay, Hay’adda NISA ayaa si weyn u kordhisay howlgallada ay ka wadeen deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab. Dadaallada la xoojiyay ee hay’addu waxay ujeeddadeedu tahay in lagu carqaladeeyo dhaqdhaqaaqyada kooxda iyo kor u qaadista ammaanka guud ahaan Soomaaliya, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada gobolka.
Howlgalkan ayaa muujinaya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyadoo ciidamada Soomaaliya ay weli ka hortagayaan khatarta kooxda, iyagoo ka shaqeynaya sidii loo heli lahaa qaran xasiloon oo ammaan ah.

