Somaliland oo mamnuucday in la soo geliyo gaadiidka aanay xabadu karin iyo kuwa dagaalka

|

Hargeysa (KAAB TV) – Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gaadiidka aan xabaddu karin iyo kuwa dagaalka ee la soo geliyo deegaamada maamulkaasi, iyadoo ku sababaysay arrimo amni.

Bayaan ay soo saartay Arbacadii, Wasaaraddu waxay ku sheegtay in go’aanka looga golleeyahay “kor u qaadista amniga dadweynaha iyo ka hortagga isticmaalka aan la fasixin ee baabuurta gaarka ah.” Maamulka ayaa ka digay in cid kasta oo lagu helo soo dejineysa gaadiidkan oo aan fasax rasmi ah laga qaadin laga qaadi doono tallaabo adag oo dhanka sharciga ah.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan hay’adaha fulinta ee ay khusayso inay qaadaan tillaabooyin adag si loo xaqiijiyo u hoggaansanaanta awaamiirta, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in aan laga dhaafi doonin shakhsiyaadka ama mas’uuliyiinta isku dayaya inay ka gudbaan amarka.

Maamulka Madaxweyne C/raxmaan Cirro ayaa todobaadyadii u dambeeyay wada tashiyo ku saabsan sidii loo nidaamin lahaa gaadiidka ciidamada iyo kuwa aan xabadu karin, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah loo soo dejiyo shaqsiyaad iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda. Mamnuucidda cusubi waxay qayb ka tahay dadaalka ballaaran ee lagu xoojinayo amniga gudaha iyo xakameynta wareegga gaadiidka gaarka ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News