SO | EN

SO | EN

Qoyskii uu geeriyooday Wariye Maxamed Ciise Koonaa oo loogu deeqay lacag dhan 12,000

|

Muqdisho (Kaab TV) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan loogu duceynayay Allaha u naxariistee UN Wariye Maxamed Ciise Koonaa dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay isgoyska soobe dhammaadkii bishii October ee sanadkii tagey.

Wariyeyaasha ka howl-gala magaalada Muqdisho ayaa bilaabay markii uu geeriyooday Wariye Koonaa aruurinta lacag qaaran ah, balse waqti dheer kadib waxaa maanta u suurta gashay in ay maanta kuwareejiyaan qoyskiisa lacag dhan 12,000 oo doollar.

Maxamed Ciise Koonaa oo ahaa nin aad looga jeclaa shaqada saxaafada Soomaaliya munaasabadan ay kasoo qeyb galeen bahda warbaahinta madaxa banaan iyo qoyska UN Wariye Koonaa munaasabadan oo lagu qabtay Beerta Nabadda.

Waxaa halkaas loogu duceeyay marxuumka iyo wiil yar oo uu ifka uu kaga tegay wiilka ayaa lagu magacaaba, Muhanad Maxamed Ciise Koonaa aya kanool reerka aabihiis oo siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho.

Madaxda warbaahinada madaxa-bannaan ayaa bogaadisay sida ay isu garab istaagaan markii ay mid kood xaalad soo wajahdo ama uu geeriyoodo.

Soomaaliya ayaa ah halka ugu badan gabood falada loogu geysto Wariyeyaasha ayagoo labada dhinac dowladda iyo Kooxda Al-Shabaab ay inta beeg sadaan Wariyeyaalka saxaafada Soomaaliya ayaa ah budo labada dhinac katuman taas oo lamacno ah in dowladda ay jir dil ugeysato halka Al-Shabaab ay ayagana dhibaato intaas ka badan ugeysato wariyeyaasha.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News