Guddiga lagu mursan yahay ee doorashada oo shaaciyay xilliga doorashada Duqa Muqdisho

|

Muqdisho (KAAB TV) – Guddoomiyaha Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay la soo gaba gabeeyay diiwaan galinta Doorashada qof iyo codka ah ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la diiwaan galiyay ku dhawaad 1 milyan oo shacabka ku nool Muqdisho, kuwaasi oo xaq u yeelan doona in ay codeeyaan.

“Duqa Magaalada Muqdisho iyo golaha deegaanka waxaa la dooran doona 30 bisha October, waxaana loo dareeri doona codbixin” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga lagu mursanyahay ee Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan.

Sidoo kale, Cabdikariin ayaa sheegay in Laascaanood ilaa Xudur ay ka socoto diiwaan galinta Doorashada qof iyo codka ah, dhawaana la filayo in la soo gaba gabeeyo.

Dhanka kale, madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka digay falalka qafaalka ah ee lagu sameynayo shacabka Muqdisho iyadoo ugu yaraan hal qof uu ku dhintay kadib markii si qasab ah loo qafalay laguna qasbay isu diiwaangalinta kaarka la sheegay in lagucodeyn doono.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in doorasho aan heshiis lagu ahayn aan dalka laga qaban karin.

Waxaa jira walaac weyn oo laga qabo xaaladda amniga iyadoo Al-Shabaab ay hadda bilaabeen inay hareereeyaan Muqdisho.

Waxaana la ogeyn sida doorasho dadweyne ay codeynayaan ay Xamar uga qabsoomi karto iyadoo amniguna uusan hagaagsaneyn.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News