Jabuuti (Kaab TV) – Ciidamada dalka Jabuuti ayaa shalay Axadii shaacisay howl-galo ka dhan tahriibayaasha hadalkaas oo laga sii daayay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda eyna booliska soo xireen 3,000 qof kuwaas oo la sheegay in masaafurindoono sida ku cad nuqul kasoo baxay Dowladda Jabuuti.
Jabuuti ayaa kutaalo marin tahriib oo ay kagud baan dadka kasoo carara dalalka ay colaada saameysay iyo isbedelka cimilada kuwaas oo doonaya in helaan meel ay kunoolaadaan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Nuux Xasan ayaa sheegay in dalkan uu ku yaallo Geeska Afrika ay buuxiyeen qulqulka dad ka imanaya dalalka deriska ah, ayada oo 220,000 ay si sharci darro ah u yimaadeen sanadkii 2022 oo kaliya.
Howlgalalda waa ay kasii socon doonaan dhulka Jabuuti, ayuu yiri Nuux.
Taleefishinka dowladda ee RTD ayaa sheegay in qiyaastii 3,000 qof lagu xiray howlgalka, loona qaadayo xarumo masaafurin, si baabuur xamuul ah dib loogu celiyo dalkooda. Lama shaacin dalalka ay kasoo jeedaan dadkaas.