Gaalkacyo (Kaab TV) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Puntland oo sida ay sheegeen ka careysan mushaar la’aan ey xirteen kantaroolka Waqooyiga ee magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegayaa in ey guud ahaan la wareegeen Koontroolka Gaalkacyo, halkaas oo ay u diideen in Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ey ka gudbaan.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Gaadiidka kala duwan ee xamuulka ay ku xanniban yihiin kantaroolka Magaalada Gaalkacyo, balse halkaas ay ka socoto waan-waan lagu qancinayo ciidanka careysan in ay jidka furaan islamarkaana fasaxaan gaadiidka ku xanniban.
Saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ayaa sheegay in muddo dhowr bilood ah eysan qaadan wax mushaar ah, isla markaana Maamulka Puntland ay ka doonayaan xaquuqdooda, eyna furi doonin wadada ilaa laga siiyo xuquuqdooda.
Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale Ciidamo katirsan Maamulka Puntland oo ka careysan mushaar la’aan ay la wareegeen Baro koontorol oo kuyaalla Magaalooyinka Puntland iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan.