SO | EN

SO | EN

Fannaan Safwaan Halac oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay Hargeysa

|

Hargeysa (KAAB TV) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in shil gaari oo xalay xilli dambe ka dhacay magaaladaasi uu ku geeriyooday fanaan caan ka ah dadka Soomaaliyeed dhaxdooda.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in gaari ay wateen fanaanka Safwaan Halac iyo dad kale oo la socday ay shil galeen, waxaana halkaasi ku geeriyooday al fanaan Safwaan Halac, halka dhaawacyo culus soo gaareen dadkii la socday qaarkood.

Dhanka kale, maamulka Somaliland ayaan wali ka hadlin shilkan gaari uu ku geeriyooday fanaanka Safwaan Halac, waxaana goobta shilku ka dhacay gaaray baarisna ka bilaabay ciidamada booliiska Somaliland, gaar ahaan kuwa taraafikada.

Geerida fanaanka Safwaan Halac, ayaa saakay si weyn looga dareemay baraha bulshada, dad badan oo aad uga naxay geerida fanaanka ayaana soo dhigayay tacsidiisa, waxa ayna ilaah uga baryayeen in uu u naxariisto dambigiisana dhaafo.

Sikastaba, Safwaan Halac ayaa kamid ahaa fanaaniinta dambe kuwooda ugu caanaan, waxa uuna kamid ahaa dhallinyarada Yurub kunool ee fanka  sida weyn ugu soo caan baxay, aadna u jeclaayeen jiilka dambe.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News