SO | EN

SO | EN

Isra’iil oo xaqiijisay in ay dishay Afhayeenkii kooxda Xamaas

|

Tel Aviv (KAAB TV) – Afhayeenkii kooxda Xamaas Abuu Cubayda, ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay magaalada Qasa, sida ay sheegatay Israa’iil.

Sidoo kale, Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa barta X, uga mahadceliyay ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) iyo hay’adda sirdoonka Shin Bet, isagoo ku tilmaamay “Fulin sax ah oo dhammeystiran.”

Xamaas weli ma xaqiijin geeridiisa. Kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ayaa horey u sheegtay in tobanaan rayid ah ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo Israa’iil ku qaaday dhismooyin la deggan yahay oo ku yaalla Qaza.

Dhanka kale, Warbaahinta maxalliga ah ayaa warineysa in ugu yaraan toddobo qof ay ku dhinteen, 20 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha lagu bartilmaameedsaday xaafadda aadka u ciriiriga ah ee al-Rimal ee magaalada Qasa, iyadoo carruur ay ku jiraan dadka waxyeelladu soo gaartay.

Sikastaba, weerarkii Sabtidii ayaa yimid iyadoo duqeymo cirka ah oo joogto ah ay ka socdaan magaalada Qasa, kahor weerar qorsheysan oo Israa’iil ay damacsan tahay inay halkaas ka fuliso.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News