HARGEYSA (Kaab TV) – Wafdi ballaaran oo ka kooban maalgashadayaal caalami ah ayaa yimid Hargeysa, caasimadda Somaliland, si ay u sahamiyaan fursadaha sii kordhaya ee maalgashi ee dalka.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa wafdigan soo dhoweeyey, kaas oo ka koobnaa wakiillo ka kala yimid Afrika, Aasiya, USA, iyo Yurub, gaar ahaan dalalka sida Kenya, Tanzania, Uganda, USA, Qatar, China, India, iyo Austria. Wafdiga waxaa hoggaaminayey PLO Lumumba, oo ah madax ka tirsan Lumumba Foundation.
Intii lagu guda jiray kulanka, Madaxweynaha iyo wafdigu waxay ka wada hadleen istiraatiijiyadaha lagu maalgashan karo qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha Somaliland.
“Dowladda Somaliland siyaasadeedu guud ahaan waa inay dhiirigaliso maalgashadayaasha dal kasta, shirkad kasta iyo maalgashade kasta, inay ku soo dhowaadaan Somaliland,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Madaxweynaha ayaa si diirran u soo dhaweeyey maalgashadayaasha, isagoo ku dhiirrigeliyey inay xoogga saaraan tamarta, wax-soo-saarka, iyo kheyraadka dabiiciga ah, kuwaas oo ah qaybaha muhiimka ah ee leh awood sare oo lagu horumarin karo dhaqaalaha isla markaana lagu abuuri karo shaqooyin bulsho.
Waxa uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay leedahay nabad, xasillooni, ammaanka siyaasadeed, maamul hufan, iyo nidaam dimuqraadi ah oo shaqeynaya, taasoo ka dhigaysa jawi ku habboon maalgashi waxtar u leh labada dhinac.
Wafdigu waxay uga mahadceliyeen Madaxweynaha soo dhaweynta diirran iyo wadahadallada miro-dhalka ah.
Waxay sidoo kale ballanqaadeen inay si dhab ah u darsaan fursadaha maalgashi ee Somaliland, gaar ahaan kuwa la xiriira tamarta, wax-soo-saarka, kheyraadka dabiiciga ah, iyo kaabayaasha dhaqaalaha, iyaga oo qirey in xasilloonida iyo maamul hufan ee dalka ay ka dhigayaan meel soo jiidasho leh oo maalgashi caalami ah.

