Cabsi soo food saartay Soomaalida Maraykanka kadib xarigga Cumar Jamaal

|

Minneapolis (Kaab TV) — Xarigga lagu sameeyey Cumar Jamaal, oo ah u-doodaha bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanka kana mid ah dadka ugu muuqda Minnesota, ayaa argagax iyo cabsi ku abuuray bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaas oo ah tan ugu weyn dalka Maraykanka.

Mas’uuliyiinta Waaxda Socdaalka Mareykanka (ICE) ayaa xaqiijiyey in Cumar Jamaal lagu xiray Minneapolis Jimcihii la soo dhaafay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa lagu sheegay in Jamal uu leeyahay taariikh dambiyeed oo ay ku jiraan weerar, khiyaano iyo jebinta amar maxkamadeed oo xayiraad ah.

Cumar Jamaal wuxuu illaa Jimcihii ku xiran yahay xabsiga Freeborn County Jail ee Albert Lea, Minnesota.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa ka walaacsan in xarigga Cumar Jamaal uu kordhiyey cabsida iyo hubanti la’aanta ku dhex jirta qoysaska soogalootiga, iyadoo dad badan ka baqayaan in iyaguna la beegsado.

Cumar Jamaal wuxuu ka mid ahaa wejiyada ugu muuqda ee bulshada, isagoo muddo tobanaan sano ah u shaqeynayey sidii isku-xir u dhexeeya Soomaalida iyo hay’adaha sharciga fuliyo.

Xafiiska booliska ee degmada Ramsey County ayaa ammaanay shaqadiisa, waxayna sheegeen in uu “door muhiim ah ka ciyaaray dhisidda kalsoonida aan la yeelanay bulshada Soomaaliyeed.”

Qareenkiisa, Abdiqani Jabane, ayaa u sheegay FOX9 ku adkeeyey adeeggiisa dheer ee bulshada.

“Mr. Jamaal wuxuu tobanaan sano u huray dhisidda kalsoonida u dhexeysa booliska iyo bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanka. Waxaan qaadi doonaa dhammaan talaabooyinka sharci ee suuragalka ah si aan u difaacno xuquuqdiisa uguna suurtagelino sii deyntiisa,” ayuu yiri Jabane.

Arrimaha la xiriira socdaalkiisa ayaa muddo dheer muran ka taagnaa.

Cumar Jamaal waxaa lagu amray in la masaafuriyo sanadkii 2011, hase yeeshee Soomaaliya looma masaafurin sabab la xiriirta xaaladda amni darro iyo iyadoo aysan jirin dowlad aqbali lahayd soo musaafurintiisa.

Si kastaba, maamulkii Trump ayaa bilaabay heshiisyo cusub oo ay la galayaan dalal Afrikaan ah sida Rwanda, Uganda, iyo Eswatini si ay u aqbalaan dadka laga masaafuriyo Maraykanka—arrin sii xoojisay welwelka Soomaalida ku nool Minnesota.

Dad badan ayaa xarigga Cumar Jamaal u arka inuusan ahayn kaliya kiis shakhsi ah balse uu yahay digniin ballaaran oo ku saabsan ololaha socda ee masaafurinta, kaas oo saameyn ku yeelan kara qoysas iyo bulshooyin Soomaaliyeed oo dhan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News