SO | EN

SO | EN

Firdhiye oo doorasho dadban ku yimid ayaa daah-furay diiwaangelinta codbixiyaasha Waqooyi Bari

|

LAASCAANOOD (KAAB TV) – Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), ayaa magaalada Laascaanood ka daah-furay diiwaangelinta codbixiyaasha maamulkaas.

Waxa uu ku baaqay in dadku is-diiwaangeliyaan si ay u doortaan dadka mudan in ay hoggaamiyaan.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sheegay in guud ahaan dadka Waqooyi Bari looga baahan yahay in ay galaan abaabulka diiwaangelinta, si ay ula jaanqaadaan maamulada kale ee nidaamka federaalka ku dhisan, kuwaas oo aqoonsi ka haysta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waa in dadkeennu ay doorashada galaan, is-abaabulaan, si weyn isu diiwaangeliyaan. Waa in aynu la barano maamulada dalka. Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in reer Waqooyi Bari ay wacdaro ka dhigi doonaan doorashooyinka qaranka,” ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye.

Tani waxay imaaneysaa xilli maamulka Waqooyi Bari doorashadiisa oo dhacday Sabtidii lasoo dhaafay ay ku dhacday habka doorashada dadban oo lacago tiro badan oo laaluush ah la siiyay xildhibaannada cusub ee maamulkan oo ay dhistay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaan la ogeyn sida doorasha qof iyo cod ee lagu muransan yahay ay ku suurtagali karto iyadoo siddeed bilood kaliya ay ka harsan tahay muddo xileedka Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ay diidan yihiin isbahaysiga mucaaradka, meelo badan oo dalka ka mid ahna ay si buuxda uga taliyaan kooxda Al-Shabaab ee argagixisada ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News