China (KAAB TV) – Madaxweyne dalka Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegaya in uu diyaar u yahay inuu dagaalka sii wado si uu u gaaro dhammaan hadafyadiisa, haddii Ukraine aysan oggolaan heshiis.
Madaxweyne Putun, ayaa hadalkan ka sheegay Shiinaha kadib markii uu ka qeyb galay dabaaldeg milatari, oo loo arkay fariin toos ah oo liddi ku ah Donald Trump iyo nidaamka caalamiga ah ee Mareykankau hoggaamiyo.
Sidoo kale, madaxweynaha Mareykanka ayaa isku dayay inuu ku qanciyo Putin inuu joojiyo dagaalka, balse hoggaamiyaha Ruushka inkasta oo uu ammaanay rabitaanka daacadda ah ee Trump – weli kama uusan tanaasulin mowqifkiisa.
Dhanka kale, Xilli uu booqasho ku joogay magaalada Kyiv, Wasiirka Difaaca ee UK, John Healey, ayaa sheegay in Trump uu Putin miiska wadahadalka keenay, isla markaana uusan meesha ka saarin inuu sii kordhiyo cadaadiska lagu saarayo Ruushka.
Wuxuu sheegay in dalal kale sida UK ay diyaar u yihiin inay culeys dhaqaale oo dheeraad ah saaraan Putin iyo inay taageero dheeraad ah siiyaan Ukraine si ay u sii wadaan dagaalka.

