SO | EN

SO | EN

3 Arrin oo lagu muransan yahay tan iyo markii la dhisay maamulka Hirshabeelle

|

JOWHAR (KAAB TV) –Hirshabeelle waxaa ka jira xasilooni darro siyaasadeed tan iyo markii la dhisay bishii Oktoobar 2016, iyadoo la isku daray labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Intii ay hawsha maamul sameynta socotay, beelo deggan Hiiraan ayaa ku dooday in gobolka Hiiraan uu noqdo maamul gaar ah halkii lagu qasbi lahaa in uu la midoobo gobolka Shabeellada Dhexe. Waxaa sidoo kale khilaaf ka dhashay arrimo la xiriira metelaadda, iyadoo beelaha kasoo jeeda labada gobol ay dalbadeen kuraas badan. Iyadoo ay jiraan caqabadahaas, ayaa dabayaaqadii sanadkii 2016-kii waxaa ay dowladda federaalka si deg deg ah u dhistay maamulka Hirshabeelle, si ay maamulka cusub ugu suuragasho in uu billaabo doorashadii heer federal ee dadbaneyd.

Habkan degdegga ah ayaa maamulka Hirshabeelle ka dhigay mid kala qeybsan oo aan shaqeynin. Ma ahan keliya in aanu maamulka awoodin in uu dakhli kasoo xareeyo labada gobol, balse beelo dega gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aanay aqoonsaneyn maamulka Hirshabeelle.

Xiisadda waxaa sii xumeeyay kadib markii bishii Nofeembar 2020 madaxweynaha maamulka Hirshabeelle loo doortay Cali Cabdullaahi Xuseen ‘Guudlaawe, iyadoo islamarkaana magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ay tahay caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Arrintaan ayaa beelaha qaar u arkeen inay jabineyso heshiis horay loo gaaray oo ahaa in xilka madaxweynaha loo qoondeeyo meelaha dega gobolka hiiraan.

Xiisadahan siyaasadeed ayaa dhalisay abaabulka ciidamo hubeysan, gaar ahaan xilliyadii ay jireen xiisadihii doorashada dadban. Dabayaaqadii sanadkii 2020-kii, Abuukar Warsame ‘Xuud’ oo horay u ahaa jeneraal ciidan ayaa duleedka magaalada Beledweyne ku abaabulay maleeshiyo la magac baxday Golaha Samatabixinta Hiiraan, wuxuuna dalbaday dhismaha maamul ad-goboleed u gaar ah gobolka Hiiraan. Maleeshiyada ayaa ku dhawaaqday in madaxda Hirshabeelle aan loo oggolaan doonin inay tagaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, taasoo dib u dhigtay caleema saarka Madaxweyne Guudlaawe, oo markii ugu horreysay tagay Beledweyne 26-kii Febraayo 2022 kadib markii ay dowladda federaalka geysay ciidamo magaaladaas.

Xaaladahan waxay ka dhasheen maadaama aanu jirin heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay —taasoo ah, in jilayaasha siyaasaddu aanay heshiis ku ahayn awoodaha muhiimka ah ee maamulka iyo qaabka awoodahan si nabad ah loogu tartami karo. Inkastoo ay caddahay in jilayaasha siyaasadda Hirshabeelle ay si weyn ugu kala qeybsan yihiin su’aalahan, haddana, haddii lasoo gebagabeeyo ololaha dagaal ee ka socda maamulka Hirshabeelle, waxaa laga yaabaa in ay abuuraaan fursad lagu aasaaso heshiis siyaasadeed oo xooggan.

Heshiiska siyaasadeed ee Hirshabeelle 3 Arrimaha lagu muransan yahay

siyaasadda Hirshabeelle Arrimaha ugu muhiimsan ee la isku khilaafsan yahay ee heshiiska siyaasadeed ee Hirshabeelle, oo inta badan ka dhashay dhisidii maamulka ee deg-degga ahayd ee sanadkii 2016 iyo doorashadii dowlad-goboleedka ee dhacday 2020-ka, waxaa kamid ah.

1 Khilaaf ka jira caasimadda maamulka Hirshabeelle iyo beesha noqoneyso madaxweynaha: Goobta laga dhigayo caasimadda Hirshabeelle iyo beesha noqoneyso madaxweynaha maamulkaasi ayaa udub dhexaad u ah khilaafyada ka taagan habka awood qeybsiga maamulka Hirshabeelle . Magacaabista Buula-burde in ay noqoto caasimadda maamulka Hirshabeelle ee billowgii hore ee maamul sameynta waxaa diiday dhinacyo muhiim ah. Taas bedelkeeda, waxaa uu heshiis ay dowladda federaalka garwadeen ka ahayd dhex maray siyaasiyiinta beelaha Xawaadle iyo Abgaal bishii Octoobar 2016 halkaasoo Jowhar oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe loo asteeyay inay noqoto caasimadda Hirshabeelle, halka beesha Xawaadle oo la siiyay madaxweynaha. Sikastaba ha ahaatee, sanadkii 2020, beesha Abgaal, oo ku badan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa noqotay madaxweynaha, iyadoo gobolka Shabeellada Dhexe ay ku taallo caasimadda dowlad-goboleedka. Taasi waxay keentay in Hiiraan laga dareemo saluug xooggan, oo qeyb ka qaatay habacsanaanta maamulka. Khilaaf ayaa ka dhashay iyadoo labada dhinac ay labo fasiraad oo kala duwan ka bixiyeen heshiiskii 2016 Xawaadle waxa uu aaminsanaa in heshiiska aanu is beddeli doonin halka Abgaal uu ku fasiray in uu ahaa heshiis kumeelgaar ah oo ku eg muddo afar sano ah wixii markaas ka dambeeyana xilka madaxtinimo loo wada tartami doono.

2 Khilaaf ka jira metelaadda beelaha ee hay’adaha dowladgoboleedka: Ma cadda halbeegga lagu saleeyay 99-ka kursi ee xubnaha baarlamaanka Hirshabeelle, iyadoo beelaha qaar aysan ku qanacsaneyn heerka metelaaddooda. Dadaallada lagu doonayay in beelo badan lagusoo daro golaha wasiirada ayaa sidoo kale ka dhigtay Hirshabeelle dowlad-goboleedka leh tirada ugu badan xubnaha golaha wasiirrada (82 xubnood ayaa ka tirsan golaha wasiirada Hirshabeelle). Hoggaanka hay’adaha amniga waxaa ku muransan beelaha dowlad-goboleedka. Sidoo kale, awood qeybsiga beelaha ayaa ah arrin lagu jaangooyo magacaabista shaqaalaha rayidka ah taasoo dhalisa khilaaf caqabadna ku noqotay shaqaaleysiinta shaqaale karti leh. Tani waxay sii yareyneysaa awoodda hay’adaha dowlad-goboleedka Hirshabelle oo markii horeba liidatay. Dadaallada lagu doonayo in dib looga hadlo heshiiska siyaasadeed ee dowladgoboleedka waa in aan lagu xallin cabashooyinka muddada gaaban ah, balse waa in uu baaro habab mustaqbalka loo galo tartan furan hoggaanka hay’adaha dowlad-goboleedka, iyo sidoo kale in karti iyo aqoon lagu shaqaaleysiiyo shaqaalaha rayidka iyo hoggaanka hay’adaha amniga.

3 Doorka al-Shabaab: Dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee Hirshabeelle ayaa caqabad ku ah gaaridda heshiis siyaasadeed, iyadoo ay kooxdu weli heysato qeybo kamid ah dhulka dowlad-goboleedka. Saameynta mustaqbalka ay kooxdu ku yeelan karto xal kasta oo siyaasadeed waxay ku xiran tahay natiijada howlgallada ciidan ee hadda ka socda Hirshabeelle oo sababay in dowladdu dib uga qabsato dhul ballaaran.

Heshiiska siyaasadeed ee Hirshabeelle

4 Doorka dowladda federaalka ee isbedellada siyaasadeed: qaar badan oo kamid ah caqabadaha ku xeeran siyaasadda Hirshabeelle waxay asal ahaan ka dhasheen qaabkii ay dowladda federaalka u maareysay dhismaha dowlad-goboleedka, iyadoo mudnaanta koowaad siisay hirgelinta doorashadii dadbaneyd ee 2016-2017 intii mudnaanta la siin lahaa in dowlad-goboleedka lagu dhiso hannaan ku saleysan heshiis iyo is-afgarad. Faragelintii dambe ee dowladda federaalka ay ku sameysay hannaanka doorashada sanadkii 2020 ayaa sidoo kale dhaawac ku ahaa heshiiskii siyaasadeed ee Hirshabeelle maadaama ay ka wareegtay madaxweynenimada dowlad-goboleedka beel kamid ah beelaha ugu badan, iyadoo aanan wadatashi laga sameyn la iskuna raacsaneyn.

Awood dakhli uruurin iyo dakhli wadaag oo aan jirin: Dakhli uruurinta dowlad-goboleedka Hirshabeelle waa mid aad u hooseeya, waana xaalad qeyb ahaan ay sababtay kala qeybsanaanta ka jirta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dakhliga ay soo xareeyaan maamullada ka jira gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe waxaa si toos ah u maamula gudoomiyeyaasha labada gobol, mana gaarto Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeel

Hoggaan xumo: Ka qeybgalayaasha cilmibaarista ayaa sheegay in madaxda sare ee dowlad-goboleedka aanay ka go’neyn wax-kaqabashada amniga, awood qeybsiga ama arrimaha dhaqaale ee Hirshabeelle. Labadii madaxweyne ee hore oo kasoo jeeday gobolka Hiiraan ayaa ku guuldarreystay inay wax ka qabtaan cabashooyinka ay muujiyeen beelaha saluugsan maamulka. Waxaa intaa dheer, marka la eego hannaanka xilka siyaasadeed lagu helo, madaxdii dowlad-goboleedka ee is xigxigey waxay inta badan ku tiirsanaayeen taageerada dowladda federaalka, waxayna u muuqdeen kuwo aan dooneyn inay wax ka qabtaan arrimaha muhiimka ah ee heshiiska siyaasadda ee dowlad-goboleedka.

Dib-u-heshiisiin dhab ah oo aan jirin: Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxaa ka dhacay colaado soo noqnoqday oo u dhexeeyay beelaha wada dega gobolladan, kuwaasoo salka ku hayay awood iyo kheyraad. Tabashooyinka ka dhashay dagaalladan beeleed waxay qaabeeyeen hab fikirka iyo ficillada jilayaal kala duwan, waxay colaadahan xaddideen rabitaanka ah in ay beelaha ku heshiiyaan xeerar cad cad oo abuura tartan furan ee xilalka siyaasadeed, waxayna dhaliyeen isjiidjiid aan dhamaanin. Tusaale waxaa ah magaalada Beledweyne oo u kala qeybsan beelo dega bariga iyo galbeedka magaalada. Kala qeybsanaan taas lamid ah ayaa sidoo kale ka jirta Jowhar. Colaadaha iyo dagaallada ayaa inta badan ka dhaca dhulka miyiga ah ee ay wada degaan beelaha kala duwan, waxa ayna inta badan saameeyaan magaalooyinka.
Heshiiska siyaasadeed ee Hirshabeelle

Wax-ka-bedelidda heshiiska siyaasadeed Hal-u-helidda heshiiska siyaasadeed ee Hirshabeelle waxa ay u baahan tahay in dib loogu laabto hannaanka maamulka loo sameeyay iyo in la abuuro fursad iskaashi iyo wada shaqeyn ee kooxaha—markaas kadib, waxaa la xalin karaa arrimaha asaasiga ah ee awood qeybsiga oo carqaladeynaya dadaallada dowlad dhisidda. Tani waxay suuragal noqon kartaa marka lasoo gabagabeeyo howlgallada ka dhanka ah al-Shabaab iyo in nabadda iyo xasilloonida la xoojiyo marka marxaladda howlgallada militeriga ay dhamaadaan. Sidaas darteed, talooyinka soo socdaa waxay soo bandhigayaan tallaabooyin ay qaadi karaan daneeyeyaasha raba inay hal u helaan siyaasadda Hirshabeelle: 1 Ku billoow dib-u-heshiisiin dhab ah: Dib-u-heshiisiin dhab ah ayaa udub-dhexaad u ah xallinta caqabadaha horyaalla Hirshabeelle. Haddii beelaha dega labada gobol ay tabashooyinkooda ku dhameeyaan iyagoo maraaya hab-dhaqameedka Soomaalida— sida ka dhacday Soomaaliland iyo Puntland—waxaa laga yaabaa in kalsoonidii dib loosoo celiyo, taasoo suurtagelinaysa in si niyad sami ah looga hadlo khaladaadka siyaasadeed ee jira. Waa in madaxweynaha dowlad-goboleedka uu mas’uuliyaddan qaataa, isagaoo mudnaan siinaya si looga gudbo kala qeybsanaanta curyaamisay dowladgoboleedka. Waa in hawshan dib-u-heshiisiinta aysan ku koobnaan odayaal iyo siyaasiyiin dhawr ah oo mudnaan gaar la siiyo, kuwaaso laga yaabo in ay dano gaar ah riixayaan, waxaana loo baahan yahay in dadaallada dib-u-heshiisiintu ku lug yeeshaan shirar dibu-heshiisiineed oo isdaba joog ah oo ka dhaca dowlad-goboleedka oo lagu xallinayo tabashooyinka jira. Dowladda federaalka waxa ay door ka ciyaari kartaa dib-u-heshiisiintan iyadoo muujineysa rabitaankeeda ah in ay taageerto heshiiska u dhexeeysa dhinacyada sidoo kalena ka fogaato faragelinta arrimaha dowlad-goboleedka.

Waxa kale oo lagama maarmaan ah in haweenku ka qeyb qaataan marxaladda dib-u-heshiisiinta si loo xalliyo xaaladda duudsiinta iyo ka tagista daneeyeyaal muhiim ah.

2 Dib-u-eegis lagu sameeyo awood qeybsiga: Marka la abuuro kalsooni, waa in dib loogu noqdaa wada xaajoodka habka awood qeybsiga, oo ay kamid yihiin madaxtooyada, baarlamaanka, laamaha amniga iyo caasimadda dowlad-goboleedka, iyadoo ujeedadu tahay in is-afgarad laga gaaro arrimahan. Wada-hadallada noocaan ah waxaa dhexdhexaadin kara madaxda dowladda federaalka ama dowlad goboleedka, ama dhinac saddexaad haddii midkoodna aanu taageero buuxda u heli karin qabashada howshan, waana in ay qeyb ka noqdaan wadahadalladan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo kuwa dhaqanka ee dhamaan beelaha. Waa in dib loogu noqdo awood qeybsiga, iyadoo laga billaabayo in laga heshiiyo xubnaha baarlamaanka dowlad-goboleedka, oo halbeeg u noqon kara metelaadda beelaha ee golaha wasiirrada iyo shaqaalaha rayidka.

Xilka madaxweynaha, waxa loo baahan yahay in heshiis cad laga gaaro haddii uu meerto noqonayo, ama tartakiisu furanaanayo, ama in loo qoondeynayo hal beel oo keliya. Haddii ikhtiyaarka dambe la isku raaco, goobta ay ku taallo caasimadda ayaa loo isticmaali karaa in lagu saxo dheelitir la’aanta awoodaha labada gobol. Haddiise xilka madaxweynuhu meerto noqonayo ama tartan furan loo galayo, waxaa loo baahan yahay xal waara, sida in wax laga beddelo qeybsiga beelaha ee xubnaha baarlamaanka dowlad-goboleedka doorasho Somali

si loo soxo isu-dheellitir la’aanta iman karta, ama in xarunta hay’adaha dowladda sida baarlamaanka iyo xukuumadda loo kala qeybiyo Jowhar iyo Beledweyne. Dib-u-heshiisiin dhab ah oo la sameeyo ayaa si weyn u kordhin doonta baaxadda heshiiska iyadoo yareyn karta gorgortanka aan mira-dhalka ahayn. Ugu dambeyntii, waa in heshiis kasta uu lahaado waqti xaddidan, sida labo muddoxileed, taasoo u oggolaaneysa in la dhiso hay’adaha muhiimka ah ee dowlad-goboleedka kahor inta aan la furin fursadda tartanka hoggaanka siyaasadda dowlad-goboleedka.
3 In la isla meel dhigo dariiqooyinka lagu kordhin karo dakhli uruurinta iyo qaab-dhismeedka dakhli-wadaagga: Marka ugu horreysa, waa in wada-xaajoodyada dakhli-uruurinta lagu billaabaa hubinta in dakhliga la uruuriyo oo ay maamulaan guddoomiyeyaasha labada gobol lagu diiwaangeliyo khasnadda dowlad-goboleedka
.
Sidoo kale, ilaha dakhli ee gudaha iyo dibadda ah waxay u baahan yihiin qaab-dhismeed cad oo ay ku wadaagaan hay’adaha iyo laamaha kala duwan ee maamulka. Tani waxaa lagu saleyn karaa halbeeg lagu wadaagayo dakhliga labada gobol ee Hirshabeelle, oo lagu saleyn karo tirada dadka ku nool, kadibna qeybsiga dakhliga ayaa la gaarsiin karaa heer degmo marka la dhameystiro golayaashadeegaanka. Waxaa sidoo kale wanaagsanaan lahaa u doodista in dhaqaale dheeraad ah uu dowlad-goboleedka ka helo dowladda federaalka iyo beesha caalamka taasoo qeyb ka ah doodaha ballaaran ee ku saabsan federaaleynta maaliyadda, iyadoo ujeedadu tahay in la hubiyo in dowlad-goboleedka uu helo dakhli ku filan si uu u bixiyo howlaha aasaasiga ah ee dawlad-goboleedka looga baahan yahay.

Tixgelin kale oo muhiim ah oo la xiriirta arrimaha maaliyadda ayaa ah yareynta tirade xubnaha baarlamaanka iyo tirada golaha wasiirada.

Ugu dambeyntii, waa in wada-xaajoodka lagu cadeeyaa loogana heshiiyaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha mudnaanta leh sida waddooyin laami ah iyo garoomada diyaaradaha.

4 In la dhiso ciidamo heer dowlad-goboleed ah, lana xalliyo arrinta al-Shabaab: In lagu heshiiyo qaab kor loogu qaadayo dakhli uruurinta iyo dakhli wadaagga, waxa ay suuragelinaysaa in laga hadlo dhisidda booliska dowlad-goboleedka iyo ciidamada daraawiishta, taasoo sahleysa in la xoojiyo guulaha dhawaan laga gaaray dhulka ay dowladdu qabsatay. Marka la gudo galo doodda hoggaanka ciidamadan, waa in wada-xaajoodyada lagu xalliyaa beelaha ay ka koobnaanayaan ciidamada si loo hubiyo in ay yihiin kuwo loo dhan yahay oo aqbalaad ka heysta guud ahaan dowlad-goboleedka. Sidoo kale waxaa muhiim ah in lagu heshiiyo u qeybinta ciidamada labada gobol ee Hirshabeelle, kahor inta aanu wada hadalka diiradda saarin ciidamo cusub oo loo abuuro — waxaa suuragal ah in la diiwaangeliyo oo la tababaro maleeshiyaadka horey u jiray sida Macawiisleey oo dhawaanahan dagaalka kaga jiray gobolka Hiiraan. Iyadoo la garawsan yahay in horumar waara oo lagu sameeyo awood-dhiska booliska uu qaadan doono waqti badan, waxaa lagama maarmaan ah in la isla fahmo doorka militeriga iyo booliiska federaalka ku yeelanayaan dowladgoboleedka. Ciidamadan waxa ay qaadan karaan kaalinta ay qaban lahaayeen ciidamo dowlad-goboleed oo dhisan, gaar ahaan marka la eego Qorshaha Kalaguurka ee Soomaaliya. In wada-hadalladan la billaabo waqti hore ayaa muhiim ah, xitaa iyadoo howlgallada ciidan ay socdaan, si loo taageero istaraatiijiyad mustaqbalka fog ah oo lagu xoojinayo amniga dowlad-goboleedka.

Dhisidda goleyaal deegaan iyo bilaabidda tillaabooyin tartiib tartiib ah oo loo qaadayo dimuqraadiyeynta: Dhisidda golayaal deegaan ee dowlad-goboleedka oo dhan waxay suurtagelin kartaa dib-u-heshiisiin waxayna fursad u noqon kartaa xal-u-helidda tabashooyinka beelaha aan metelaadda ku filan heysan. Waxa ay sidoo kale abuuri kartaa qaab-dhismeed daadejin maaliyadeed, inkastoo, marka la eego caqabadaha baaxadda leh ee dowlad-goboleedka, ay tani u badan tahay in ay noqon doonto geeddi-socod tartiib tartiib ah oo suuragal noqon kara marka horumar laga gaaro horumarinta awoodda dakhliuruurinta iyo amniga Hirshabeelle. Dhismaha goleyaasha deegaanka waa in aanu si degdeg ah u ambaqaadin maadaama uu abuuri karo culeys dhaqaale. Waa in marka hore diiradda la saaro caasimadaha labada gobol ee Hirshabeelle. Waxaa kale oo sameynta goleyaasha degmooyinka barbar socon kara tillaabooyin tartiib-tartiib ah oo dhinaca dimuqraadiyeynta loo qaadaayo, sida sameynta guddi doorasho (oo la wareegi kara masuuliyadda dhismaha goleyaasha degmooyinka) iyo sameynta sharciyo la xiriira nooca doorashada iyo xisbiyada siyaasadda. Talaabooyinka noocaan oo kale ah waxay abuurayaan kalsooni lagu qabo qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha deegaanka, iyadoo la garwaaqsan yahay in loo baahan yahay in horumar la taaban karo laga sameeyo dhinacyada amniga

Magaalada jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle waxaa ka taagan khilaaf xoogaan oo dhaxeya madaxweynaha soomaliya iyo kan Hirshabeelle.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News