SO | EN

SO | EN

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay ka gaabisay taageeridda ciidamada Macawiisleyda

|

BELEDWEYNE (KAAB TV) –Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle, Cabdi Daahir Guure Karoore, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah ee Muqdisho ku sugan inay ka gaabisay taageeridda maleeshiyada Macawiisley – oo ah ciidamo iskood isu xilqaamay oo muddo sanado ah hoggaaminayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Wasiir Karoore oo la hadlay warbaahinta ayaa dhaliilay wax uu ku tilmaamay dayacaad ula kac ah oo ay sameeyeen madaxda dowlada soomaaliya,isagoo sheegay in dowladdu ay indhaha ka qarsatay naf hurnimada ay u hureen ciidamada Macawiisleyda iyo shacabka deegaanka.

“Dowladdu marnaba ma siin Macawiisley taageeradii ay mudnaayeen, ciidamada federaalka ee Hiiraan waxay ku tiirsanaayeen dagaalyahannada deegaanka – markii ay wiiqantay maleeshiyada, ciidamada dowladda ayaa ka barbar burburay,” ayuu yiri Karore.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay culeyska culus ee ay qabaan dadka reer Hiiraan, isagoo ku sifeeyay inay yihiin dad isku kalsoon, isla markaana aan loo baahneyn in ay dagaalka kaligood qaadaan.

“Dadka reer Hiiraan ma ahan kuwo tuugsanaya – waxay u dagaalameen, dhiigeen, wax walbana u hureen sidii ay Al-shabaab uga xorayn lahaayeen dhulkooda, waxay mudan yihiin aqoonsi iyo taageero dhab ah,” ayuu raaciyay.
Haddalka Karoore ayaa imaanaya iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Al-Shabaab ay dib u qabsadeen deegaano dhowr ah oo muhiim ah oo ka tirsan Hiiraan, iyagoo ka faa’ideysanaya Macawiisley oo la wiiqay iyo hoos u dhac ku yimid ciidamada dowladda Federaalka kadib dib u dhacyadii ugu dambeeyay.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle, ayaa walaac ka muujiyay amni darada sii kordheysa iyo habacsanaanta guulihii laga gaaray ololihii hore ee ciidamada, kuwaas oo intooda badan ay hormuud ka ahaayeen isla maleeshiyaatka deegaanka oo aan hadda helin gurmad iyo dhaqaalo ku filan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan si cad uga jawaabin eedeynta loo jeediyay, balse dadka u dhuun daloola arrimahan ayaa sheegaya in la’aanta taageero la’aanta ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay weli caqabad weyn ku tahay dagaalka lagula jiro kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News