GARAWE (KAAB TV) –Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxmuud, ayaa si kulul uga hadlay, kaddib markii uu sheegay in dhismaha waddooyinku ay ka muhiimsan yihiin bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda.
“Waddooyinka ayaa nooga muhiimsan mushaarkooda,” ayuu yiri Maxamuud, taasoo ka careysiisay shaqaalaha rayidka ah iyo baraha bulshada. Dad badan ayaa faallooyinkaas ku tilmaamay mid aflagaado ah oo caddayn u ah waxa ay ugu yeedheen sida xun ee dawladdu ula dhaqanto shaqaalaheeda.
Khilaafkan ayaa imaanaya iyadoo shaqaalaha dowladda ay sheegeen inaysan wax mushaar ah helin muddo lix bilood ah sannadkan, sidoo kalena ay waayeen lacago gunno ah. Dib u dhacan ayaa waxa uu sii kordhiyey gadoodka soo noqnoqday ee ay samaynayaan ciidamada amaanka,kuwaasi oo sheegay in dawladu ay wax ka qaban wayday cabashadooda.
Markii lagu cadaadiyay khilaafka mushaharka, Maxamuud waxa uu beeniyay in wasaaraddiisu ay joojisay mushaharka balse ma bixin wax sharraxaad ah oo ku saabsan dib u dhacyada bilaha ah iyo niyad-jabka sii kordhaya ee ciidamada ammaanka.
Arintaan ayaa muujinaya culeys dhaqaale oo ka jira Puntland, waxayna sii kordhisay cadaadiska dowladda oo hadda wajahaya dhaleecayn uga imaanaya shaqaalaheeda oo keliya, balse sidoo kale shacabka ayaa u arka shaqaalaha mushaar la’aanta ah iyo ciidamada aan mushaarka qaadan inay halis ku yihiin xasiloonida.

