SO | EN

SO | EN

Biyo-xireenka itoobiya oo looga dabaal-degay Garoowe

|

GARAWE(KAAB TV) –Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa caawa looga dabaal-degay biyo-xireenka Itoobiya ay ka sameysay Wabiga Nile-ka, kaas oo dhawaan si rasmi ah loo furayo.

Munaasabaddan loogu dabaal-degayo biyo-xireenka ayaa waxaa soo qaban-qaabisay qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe, iyadoo ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Wasiirro ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland iyo Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa ka qeyb-galay munaasabadda loogu dabaal-degayo biyo-xireenka Itoobiya.

Muuqaallo laga soo duubay munaasabaddan ayaa muujinaya wasiirrada Puntland oo lagu casuumay cunta-dhaqameedka Itoobiyaanka, waxaana wejiyadooda ka muuqata “dhoollacadeyn” taas oo ka dhigaysa in Puntland ay si toos ah ula safatay Itoobiya.

Xiisadda biyo-xireenka Itoobiya ayaa saameyn weyn ku yeelatay gobolka, iyadoo weli Dowladda Federaalka Soomaaliya u muuqato mid iska ilaalineysa ku milanka hirdanka Itoobiya iyo Masar oo labadaba ay la leedahay xiriir diblomaasiyadeed.

Puntland oo muddooyinkii dambe uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyay hoggaanka Dowladda Federaalka ayaa u muuqata inay ku xumaynayso arrintaan xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya la leedahay Masar.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News