MUQDISHO (Kaab TV) – Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay si buuxda u dhammeysay mashruuca biyo xireedka weyn ee GERD, halka dhinaca kale ay soo baxayaan warar sheegaya in Masar ciidamo u soo daadgureyneyso Soomaaliya.
Arrintan ayaa abuureysa walaac amni iyo saameyn siyaasadeed oo cusub oo ku soo fool leh gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.
Falanqeyntan xiisaha leh waxaa Kaab TV la yeelatay Prof. Shaafici Yuusuf oo faahfaahinaya khataraha iyo saamaynta arrimahan.

