SO | EN

SO | EN

Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa

|

Adis Ababa (KAAB TV) –Magaalada Addis Ababa xarunta Dalka Itoobiya waxaa maanta ka dhacaya Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada iyo Saamaynta taban ee Afrika ka dhaxashay, waxaa ka qaybgalaya Madax uu kamid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Meertada labaad ee Shirka Cimillada Afrika waxaa lagu lafaguri doonnaa sidii looga gaashaaman lahaa saamaynta khatarta badan ee qaaraddaan ka dhashay, in la sameeyo qorshe isku xiraya Madaxda Afrikaanka ah iyo sidii xal wadajir ah loo raadin lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu uga hadlayo saamaynta isbaddelka Cimillada ay ku reebtay dalka ka jeedin doonna shirkaan isaga oo kulamo gaar gaar ah la qaadan doonna madaxda kala duwan.

Madaxda uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la kulmayo waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo mas’uuliyiin kale.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News