SO | EN

SO | EN

Xarig loogeystay wariyaal ka tirsan kalsan Tv

|

MOGADISHU (KAAB TV) – Ilaalada Gaar ah Ee Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor ayaa jirdil, handadaad, Rasaas nool nool iyo xoriyad ka qaadid kula kacay wariyaal ka tirsan warbaahinta kalsan.

Wariye Jacfar Maxamed Jimcaale iyo muuqaal duube Cabdimaajiid Cabdiraxmaan ayaa xirnaa kudhawaad saddex saacadood iyadoona lagu haystay guriga uu Qoor Qoor ka daganyahay Muqdisho.

Xariga loogeystay Muuqaal duubaha iyo wariyaha ayaa dhacay xilli ay tabiyaan dad banaanbax dhigayay kuwaas horay Dowladda uga barakicisay xaafada Dabdamiska Ee degmada Wadajir.

Jacfar Maxamed iyo Cabdimajiid Cabdiraxmaan ayaa ilaalada Qoor Qoor waxay katir tireen muuqaaladii ay duubeen.

Muqdisho mudooyinkii udambeeyay waxaa kusoo badanayay Xariga iyo jirdilka loogeysanayo warbaahinta iyaadoona dowladda ay dhibtasay cabashada shacabka Madaxweyne Xasan Sheekh barakacayaasha kadhigay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News