Adis Ababa (KAAB TV) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeyb galay shir madaxeedka 2-aad ee cimilada Afrika, isagoo wada hadallo labo geesood ah la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto.
Kulamadaas oo ay madaxdu kaga wadahadleen iskaashiga gobolka ee la dagaallanka argagixisada, xoojinta dadaallada nabadda iyo horumarinta xiriirka labada dal.
Madaxweyne Xasan ayaa carabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga qotoda dheer ee ay la leedahay dalalka deriska ah si kor loogu qaado amniga, xasilloonida, iyo horumarka Geeska Afrika.
Shirka Cimilada ee Afrika oo ay ka soo qaybgalaan madax ka kala socota qaarada Afrika, ayaa diiradda lagu saarayaa sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha isbeddelka cimilada iyo sidii horumar waara loogu samayn lahaa Afrika.



