SO | EN

SO | EN

Dowladda Qadar oo war ka soo saartay Duqeymaha Israa’iil

|

DOHA (KAAB TV) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo Israa’iil ay ka fulisay gudaha dalka Qadar, iyadoo lagu beegsaday Xarruunta Garabka Siyaasadda ee Ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar, Majed Al Ansari ayaa cambaareeyay weerarka oo uu ku tilmaamay mid ka hor imaanaya qawaaniinta caalamiga ah.

“Waxaa Qatar weyn la galiyay amniga muwadiniinteena, tillaabadaasi ma ahan mid la aqbali karo oo ka hor imaaneysa nabad galyada Bariga Dhexe” ayuu yiri Afhayeen Majed.

Wararkii u dambeeyay ee soo naga soo gaaraya Dooxa ayaa sheegaya in ay weerarka Israa’iil ka badbaadeen Madaxda Khalil al-Hayya iyo Zaher Jabarin oo ka tirsan garabka Siyaasadda ee Ururka Xamaas.

Hore sidaan Israa’iil ayaa weeraro khasaare kala duwan dhaliyay ka fuliyay lix wadan oo ku yaalla Bariga Dhexe, sida Qadar, Iiraan iyo dalal kale.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News