SO | EN

SO | EN

Itoobiya oo martigelinaysa Shir Madaxeedka Maalgelinta ee AUSSOM

|

Adis Ababa (KAAB TV) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Guba ee dalka Itoobiya kaga qeyb galay shir madaxeed shan geesood ah, kaasi oo diiradda lagu saarayay maalgelinta ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Shirkan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa isugu yimid madaxda gobolka sida Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mahamoud Ali Youssouf.

Wadahadallada ayaa ahaa kuwo lagu xoojinayay iskaashiga dhinacyada badan leh, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha amniga iyo dadaallada xasilinta gobolka.

Madaxweyne Maxamuud ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay taageerada joogtada ah ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo howlgalka AUSSOM, isagoo ku tilmaamay dadaalladan mid muhiim u ah xoojinta guulihii laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay ka hortagga argagixisada iyo ammaanka gobolka, isaga oo ku boorriyay sii wadida wadashaqeynta ka dhexeysa dalalka Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News