SO | EN

SO | EN

Dhakhtarkii ugu da’da yaraa Gaalkacyo oo aano qabiil loo dilay

|

Gaalkacyo (KAAB TV) –Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug waxaa kusii kordhaya dilalka aanooyinka ee lagu dilayo dadka indhaha u ah bulshada, waxaa xalay Magaaladaas lagu dilay Allaha u naxariistee Dr. Cumar Cabdi Daahir oo kamid ah dhaqaatiirka da’da yar.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in maleeshiyo hubeysan ay toogteen dhakhtarkan oo ahaa kan ugu da’da yar Gaalkacyo.

Kooxda dilka gaysatay ayaa baxsatay kahor inta aysan goobtu gaarin ciidamo katirsan kuwa ammaanka Magaalada Gaalkacyo, waxaa socda baaritaan ay wadaan hay’adaha ammaanka Magaaladaas si ay usoo qabtaan sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Waa dhaqtarkii labaad oo lagu dilayo magaalada Gaalkacyo sabab la xiriirta aanooyinka beelaha walaalaha ah ee dirirta horay u dhexmartay, laamaha ammaanka xarunta Gobolka Mudug ayaa ku howlan kulamo isugu jira wacyigelin iyo raadinta maleeshiyaadka dilalka gaysanaya.

Ma jiro war kasoo baxay Hay’adaha ammaanka oo ay ku faah-faahinayaan haddii ay heleen raadraac lagu gaarayo kooxdii dilka u gaysatay haldoorka Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug oo maamul ahaan ka dhaxaysa Dowlad-Goboleedyada Puntland & Galmudug.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News