MOGADISHU (KAAB TV) –Ilo wareedyo diplomaasiyadeed oo lagu kalsoon karo ayaa sheegay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya in ay amar deg deg ah ku bixisay inuu dalka si deg deg ah ku soo galo Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ah safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya
Danjire, Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa Seddexdii maalmood ee ugu dambeeysay waxa uu ku sugnaa dalka Democratic Republic of Congo “DRC”, isaga oo halkaas u joogay howl aanan ahayn howsha loo idmaday isla markaana uusan ku soo wargelinin Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.
Danjire, Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ay wehliyaan Ganacsato Kenyan iyo kuwa Soomaali ah oo uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaaladda Kinshasa ee dalka DRC, isaga oo lagu eedeeyay in uu Magaaladda Kinsasha kula xaajoonaayo Ganacsato u dhalatay dalkaasi Congo Arrimo ganacsi oo la xariira dahab iyo macdanta dalkaasi uu hodan ka ku yahay.
Safaaradda dalka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa sheegtay in Safiirka dalka Soomaaliya ee u fadhiya dalka Kenya, Danjire, Jibriil Ibraahim Cabdulle in uusan la wadaagin xogta ku saabsan safarkiisa dalka Congo, iyadda oo matalaadda danaha dalka Soomaaliya ee Congo ay u xilsaaran tahay safaaradda Soomaaliya ee ku taala Magaaladda Dares Salaam ee dalka Tanzania.
Wararka qaar ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu samayn doono Danjire, Jabriil Ibraahim Cabdulle waxaana booskaas lagu wadaa in lagu beddello Hinda Culusow oo haatan ah Madaxda Baratakoolka ee xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

