SO | EN

SO | EN

AS oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

|

Galgaduud(KAAB TV) – Magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa mar kale wajahaysa weerar culus, kadib markii dagaalyahannada AS ay saaka aroortii hore weerar dhowr jiho ah kusoo qaadeen magaaladaS.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa abuuray xaalad kacsanaan ah, iyadoo rasaas culus ay weli ka dhaceyso hareeraha magaalada, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah .

Guddoomiyaha degmada Ceeldheer, Cabdiraxmaan Axmed Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay si adag u difaacayaan magaalada, islamarkaana aysan u suurtagelin in kooxda AS ay gudaha si buuxda ugu galaan.

Ceeldheer oo ah goob aad muhiim u ah kana tirsan gobolka Galgaduud ayaa si rasmi ah looga saaray gacanta maleeshiyaadka AS 24 bishii December ee sanadkii 2023, wixii intaas ka dambeeyayna waxay ahayd xarun ciidan iyo deegaan istiraatiiji ah oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Kooxda AS ayaa barahooda bulshada ku sheegtay in ay magaalada la wareegeen, balse warar ka madax-bannaan labadda dhinac oo ilaa iyo hadda xaqiijin kara ma jiraan sheegashadaasi, iyadoo dagaalka uu wali socda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News