MOGADISHU (KAAB TV) –Soomaaliya waxaa ka jira jahawareer siyaasadeed oo ka dhashaya qaabka loo marayo Doorashada ka dhaceyso taas oo keentay in madaxda maamul goboleedyda iyo Madaxda mucaaradka ah diidaan sida ay Dowlada soomaaliya wax u wado.
Hadaba muxuu yahay xalka la gudboon in uu sameeyo madaxweynaha soomaaliya .
1. Inuu fasaxo doorashooyinka dowlad goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, taas oo ka dhigi karta in culayska siyaasadeed qayb ahaan yaraado, isla markaana maamulada sharciyad la’aan ah helaan hoggaan cusub oo xalaal ah.
2. Inuu la heshiiyo Jubaland iyo Puntland, si culeyska siyaasadeed uu u qeybsamo, maadaama labadaas maamul ay saameyn weyn ku leeyihiin gudaha iyo dibaddaba, isla markaana xiriir dhow la leeyihiin Madasha Samatabixinta dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta.
3. Inuu ka tanaasulo doorashada uu hadda wado ee Muqdisho ee aan jirin Cid rabto, maadaama waqtiga u haray muddo xileedkiisu yahay 8 bilood oo aan wax ba lagu qaban karin, isla markaana aysan macquul ahayn in muddo intaas la eg xataa lagu kabo lax jaban
4 . Inuu ka tanaasulo musharaxnimada 2026, kuna dhawaaqo inuu u taaganeyn, taasna uu shacabka kula hadlo si toos ah isagoo muujinaya in dalku u baahan yahay doorasho furan oo hufan.

