MOGADISHU (KAAB TV) –Saacadihii la soo dhaafay waxaa Baraha bulshada lagu qorayay qoraalo kala duwan oo muujinayay in waqtigan uu jiro khilaaf soo gala dhaxgalay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Hassan Mohamed Hussein “Muungaab” iyo xubnaha xisbiga oo hormuudka u yahay madaxweynaha soomaaliya xasan sheikh maxamuud.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Hassan Mohamed Hussein “Muungaab” ayaa xilalkii ka qaaday xubno ka mid ah xisbiga madaxweyne xasan sheikh maxamuud, waxaana Badalkooda uu keenay xubno ka tirsan xisbiga Xisbiga Himilo Qaran taas keentay uu ka dhasho khilaaf xilka qaadistaas uu sameeyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir .
Hogaamiyaha xisbiga madaxweyne xasan sheikh maxamuud, ayaa muujiyay Dacwad ka dhan ah Gudoomiyaha gobolka Banaadir taas oo ay ku tilmaamen in uu yahay xubin ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran uunaa xilalkii ka qaday xubno u dhawaa madaxweyne xasan.
Mudo 3 bil ayuu jogaa gudoomiya gobolka Banaadir Hassan Mohamed Hussein “Muungaab” xafiiska waxaana wararka qaaray sheegaan in madaxweyne xasan sheikh uu ka fiirsano xil ka qaadista gudoomiyaha gobolka Banaadir,Sidoo kale waxaana jira warar sheegaya in markale ay suura gal tahay duqa muqdisho loo magacaabo Yusuf Hussein Jimaale[Madaale} oo horay u soo noqday gudoomiyaha gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Hassan Mohamed Hussein “Muungaab” ayaa inta aan xilka hada uu haaya loo magacaabin waxaa uu ahaa mucaarad si weyn dhaliili jiray madaxda ugu sareysa Dowlada soomaaliya.

