MOGADISHU (KAAB TV) –Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u safray dalka Qadar.
Wafdiga oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya shir ay dalalka Carabta iyo Islaamka ay kaga hadlayaan weerarkii ay dhawaan Israa’iil ka fulisay magaalada Dooxa ee dalka Qadar.
Weerarkaasi ayaa lala beegsaday madax sare oo ka tirsanaa ururka dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas, iyadoo ay ka badbaadeen balse dhaawacyo ayaa soo gaarey.
Soomaaliya ayaa weerarkaasi si adag u cambaareysya, iyadoo ku baaqday in la garab istaago dowladda iyo shacabka Qadar.

