SO | EN

SO | EN

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Shacabka iyo Hay’adaha ammaanka faray in ay xoogga saaraan adkaynta nabadgalyada

|

Baydhabo (KAAB TV) –Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Shacabka iyo Hay’adaha ammaanka faray in ay xoogga saaraan adkaynta nabadgalyada si uu u fududaayo isu socodka deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa tilmaamay in muhiimadda koowaad ee fursadaha maalgashiga, ganacsiga iyo waxbarashada laga dhex heli karo ay tahay in marka hore xoogga la saaro nabadgalyada sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ‘AS’ ku eedeeyay in ay dhibaato ku tahay deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, waxa uu bogaadiyay Hay’adaha ammaanka ee Shacabka ku gacansiinaya sidii ay wax uga qaban lahaayeen falalka liddiga ku ah nabadgalyada.

“Xikmadda ku jirta nabadgalyada waa in ay dadka Soomaaliyeed oo dhan gaarto, Dalkaan waxaa ragaadiyay ee nabadda u diiday Talo-xumo iyo Niman Nabad-diid ah, waxa ay caqabad ku  noqdeen Dowladnimada & horumarka, waxaa looga gudbi karaa in si wadajir ah loo wajaho” MW DG Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Hadalkaan waxa uu ka sheegay munaasabad lagu soo gabagabaynayay todobaadka nabadda Koofur Galbeed, waxa uu soo jeediyay in waxyaabihii diiradda loo saaray loo baahan yahay in ficil rasmi ah loo baddelo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News