SO | EN

SO | EN

Shirkadda Sahal ee qaada dadka u socda garoonka diyaaradaha muqdisho oo dhibaato badan ku heysa dadka shacabka ah

|

MOGADISHU (KAAB TV) –Shirkadda Sahal ee qaada dadka u socda garoonka diyaaradaha adan cadde oo dhibaato badan ku heysa dadka shacabka ah.
Halka qof ee raacaya Baska sahal ee u socda garoonka diyaaradaha adan cadde ayaa laga qaada qiimo dhan 8 doller.

Xarunta Shirkadda Sahal ee laga qaado dadka iyo garoonka diyaaradaha ayaa isku jira wax aan ka badneyn 1KM.

Qoyskii ka kooban 20 qof oo raacaya baska Sahal ayaa laga qadaa lacag dhan $160 doller hadii ay u socdan gobalka dalka Local flight

Hadii ay u socdan dalka dibadiisa International flights waxaa laga qaadaya 11 qofkiiba oo noqoneysa $110 doller isku geyn.

Sidoo kale waxaa Intaasi u sii dheer tickets ka lagu qadan jiray mobile ka ayay diideen iyagoo soo rogay sharci ah in la daabaco ticket ka waxana laga qadaya qofka loo dabacay $0.5 calaa ticket wana hal warqad oo A4 ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa soo indha-indheeyay shalay qaybaha kala duwan ee dhismaha garoonka, wuxuuna la kulmay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha howsha waday oo uu kala hadlay fadeexa ka taagan garoonka, gaar ahaan nadaafadda, wuxuuna o amray inay wax ka beddalaan adeegga ay u hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

”Intaan ka dib looma dul-qaadan karo waxa ka jira garoonka Aadan Cadde, Waxaan ku imid anniga dareen shacab oo cabasho ah, wixii ay sheegayeen iyo wax ka sii liita ayaan ku arkey” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Qaar ka mid ah shacabka soomaaliyeed ayaa Ra’iisul wasaaraha soomaaliya ugu baaqay in uu wax ka qabto dhibaada ka taagan Shirkadda Sahal ee qaada dadka u socdaala garoonka diyaaradaha adan cadde oo dhibaato badan ku heysa dadka shacabka ah.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News