Sanaag(KAAB TV) –Ururka Al-Shabaab ayaa shalay beenisay sheegashada Mareykanka ee ahayd in duqeyn dhanka cirka ah oo dhowaan ka dhacday Waqooyi-Bari Soomaaliya lagu dilay ganacsade hub u soo iibin jiray kooxda, iyadoo ku eedeysay Washington inay sameyneyso marmarsiinyo been abuur ah oo lagu taageerayo weerarro waxyeelleeya shacabka.
Dhanka kale, odayaal iyo mas’uuliyiin deegaanka ah ayaa ku tilmaamay ninka la dilay inuu yahay Cabdullaahi Cumar Cabdi, oo ahaa odoy dhaqameed caan ah, arrintaas oo kicisay bannaanbaxyo ka dhacay gobolka Sanaag.
Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa 17-kii September sheegay inuu afar maalmood ka hor fuliyey “duqeyn sax ah” oo ka dhacday meel u dhow magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, taas oo lagu bartilmaameedsaday qof ay ku tilmaameen ganacsade hub u soo gudbiya Al-Shabaab.
Taliska ayaa intaa ku daray in hawlgalkan, oo lala kaashaday dowladda federaalka Soomaaliya, uu ujeedkiisu ahaa in lagu wiiqo awoodda kooxda ee ay ku waxyeeleyn karto danaha Mareykanka iyo Soomaaliya.
AFRICOM ma aysan magacaabin xubinta la sheegay inay beegsadeen, mana aysan soo bandhigin wax caddeyn ah oo lagu taageerayo sheegashadooda, iyagoo ku sababeeyay arrimo la xiriira amniga hawlgalka.
Duqeyntii dhacday September 13 waxay ahayd tii 78-aad ee Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya sannadkan oo keliya, taasoo mar horeba dhaaftay tiradii ugu badnayd ee ahayd 63 duqeymood oo la diiwaan geliyay sannadkii 2019, xilligii uu Donald Trump ahaa madaxweynaha muddo xileedkiisii hore, sida ay sheegtay hay’adda la socota weerarrada cirka (Airwars).
Al-Shabaab oo sheegashada ku tilmaantay ‘mid aan sal lahayn’
War-saxaafadeed kasoo baxay garabkooda warbaahinta Al-Shabaab ee Al-Kataib, ayuu ururka xiriirka la leh Al-Qaacida ku beeniyay warka AFRICOM, isagoo sheegay in ninka la dilay “uusan wax xiriir ah haba yaraatee” la lahayn shabakadooda.
“Mareykanku wuxuu leeyahay taariikh madow oo ku aaddan dilka bareerka ah ee dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed—oo ay ku jiraan culimo la ixtiraamo, haween, iyo carruur—iyagoo ku dhuumanaya sheegashooyin been abuur ah oo ah inay beegsadeen mintidiin,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Waxaa tusaale loo soo qaatay duqeyn dhacday sannadkii 2016 meel u dhow Gaalkacyo, taasoo saraakiisha Mareykanku ku sheegeen inay ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, balse dadka deegaanka ay sheegeen in lagu laayay xubno ka tirsanaa maleeshiyo xulufo la ahayd dowladda.
Kooxda ayaa ku eedeysay mas’uuliyiinta Soomaalida inay hawlgallada Mareykanka uga faa’iideystaan sidii ay ku baabi’in lahaayeen cidda siyaasad ahaan kasoo horjeedda, waxayna ku dhaaratay inaysan oggolaan doonin in magacooda loo adeegsado marmarsiiyo lagu weeraro dadka shacabka ah.
Hoggaamiyeyaasha bulshada ee Badhan ayaa iyaguna meesha ka saaray sheegashada Mareykanka, waxayna xaqiijiyeen in qofka dhintay uu ahaa Caaqil Cabdullaahi Cumar Cabdi, oday caan ah oo lagu yiqiinay doorkiisii dhexdhexaadinta ee khilaafaadka beelaha. Goobjoogayaal ayaa sheegay in saddex gantaal lagu dhuftay gaarigiisa isagoo keligiis usii jeeday dhanka Badhan.
Aamusnaanta oo sii hurinaysa kalsooni-darrada
AFRICOM weli si fagaare ah ugama aysan hadlin eedeynta ah in la dilay oday dhaqameed rayid ah. Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku boorriyay Washington inay baarto arrintan oo ay shaaciso haddii uu jiro khasaare soo gaaray dadka rayidka ah.
Khasaaraha shacabka kasoo gaara duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa muddo dheer ahaa isha khilaafka u dhexeeya Washington iyo bulshooyinka Soomaaliyeed. Hay’adaha Human Rights Watch iyo Amnesty International ayaa diiwaan geliyay kiisas markii dambe la qirtay in duqeymahaas lagu dilay dad aan dagaalka ku jirin.
Duqeymaha laga fuliyo gobolka Sanaag waa naadir. Inta badan hawlgallada Mareykanka ee Puntland waxay diiradda saarayeen gobolka Bari, halkaas oo ciidamada Mareykanku ay ka caawiyaan ciidamada amniga ee deegaanka dagaalka ay kula jiraan koox yar oo raacsan Daacish.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in duqeymaha lagu muransan yahay ay halis gelinayaan hadafyada la-dagaallanka argagixisada.
“Mar kasta oo oday la ixtiraamo ama qof rayid ah si qalad ah loo dilo, waxay xoojinaysaa sheekada Al-Shabaab, waxayna fogaynaysaa bulshooyinka deegaanka,” ayuu yiri Cumar Maxamuud, oo ah falanqeeye ka tirsan Xarunta Daraasaadka Xasaradaha Adduunka (International Crisis Group).

