Qaza (Kaab TV)– Kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad ayaa xababd-joojin uga dhawaaqday Qaza, kadib markii ay gantaallo is-weydaarsadeen Israel taasi oo ka dambeysay markii xubin sare oo ka mid ah oo cuntada ka soomay uu ku dhintay Israel.
Masar oo horey u dhex-dhexaadisay Israel iyo dagaal-yahannada Falastiiniyiinta ayaa ka qeyb qaadatay xabadd-joojinta, inkasta oo weli Israel aysan xaqiijin wax heshiis ah.
Ciidamada Israel ayaa sheegay in digniintii ugu dambeysay ay ka dhowaqday xuduudda Qaza, abaare 5:30 am. Ilo-wareedyo ku sugan Qaza ayaa sheegay in dhowr gantaal oo ku wajahan Israel halkaas laga soo tuuray xilligaas.
Hase yeeshee, dhex-dhexaadiyeyaal ka socday Qatar, Masar iyo QM ayaa ku guuleystay in lasoo celiyo xasilloonida abaare 4:00 am, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ka tirsan kooxda Islamic Jihad.
Adnan, oo ahaa 45 jir ka yimid magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto, ayaa dhintay Talaadadii kadib 87 maalmood oo uu cuntada ka soomanaa kadib markii Israel ay u xirtay xiriirkiisa Islamic Jihad.
ugu dambeyn Hoggaamiyaasha Xamas Ismail Haniyeh ayaa dalbaday in Israel ay qoyskiisa kusoo wareejiso meydka sarkaalka gajaada u dhintay.